Ciidaha

 

Barnaamijka ka farxi agoonka hana kula ciido ciidul fitriga 
(Abril 2, 2020 - Maajo 15, 2020)

Marka hore waxaa mahad is ka leh Allah subxanahu wa tacaalaa marka xigta waxaan u mahadcelinaynaa dhamaan dadkii ka qeyb qaatay barnaamijkan ka farxi agoonka hana kula ciido ciidul fitriga. Waxaa barnaamijkan ka faa’ideystay 163 caruur oo isugu jira agoon iyo rajo oo ku kala nool Banaadir, Bay iyo Shabeelada hoose ee dalka Somalia. 
Caruurtan Agoonka/Rajada ah waxay nasiib u yeesheen in ay helaan hadiyad dhar ciid ah oo ka kooban sida tan:

Gabdhaha: Xijaab, goono, surwaal, kabo iyo taako.
Wiilasha: Surwaal, shaati, kabo, suun iyo garan.
Ilmaha yar: Alaabta lagu ciyaaro sida mobile, okiyaalo, buufin iyo firinbi.

Ugu dambeyntii waxaan u mahadcelinaynaa wakiilka Madjey u jooga Somalia mudane Xasan Maxamed Axmed, gudoomiyaha ururka Jeedo mudane Jabriil Maxamed Abukar (Jabriil Jaziira) iyo aqoonyahan u dooda xaquuqal insaanka mudane Cabdullahi Maxamuud Nuur (Cabdullahi Asad) oo la’aantood suurageli laheyn in caruurta Agoonta/Rajada ay helaan hadiyad si ay ugu qeyb qaataan farxada ciidul fitriga ee sanadkan 2020. Xaqiiqdii mas’uuliyiintaas waxay muujiyeen dadaal dheeraad ah iyadoo lagu jiro xili adag oo cudurka safmareenka COVID-19 dhibaato balaaran ku haya aduunka oo dhan.
Ku Noqo Boga Xafladaha
Share by: