Ganacsi


Xarunta Midowga Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qalab xafiiseed iyo agab waxbarasho gudoonsiisay dugsiga deegaanka Jasiira ee Gobolka Shabeelaha hoose.

  1. Maanta oo maalinimmo arbaco ah taariikhduna ay tahay 24ka bisha afaraad 2019 ayaa gudoomiyaha ururka MADJ mudane Axmed Xaaji Abuubakar iyo wakiilka xarunta Midowga dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Axmed(Xasan Jasiira) ku wareejiyay qalab xafiiseed dhameestiran  maamulaha dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee deegaanka Jasiira mudane Maxamuud Sheekh Xasan Shiikh.
Goobta qalabkaasi lagu kala wareegaayey waxa sidoo kale ku sugna maamul kuxigeenga dugsiga Jasiira mudane Maxamed Axmed Maxamed iyo qaar ka mid ah macalimiinta madradasaasi.

Qalab xafiiseedka lagu wareejiyay maamulaha dugsiga deegaanka Jasiira ayaa waxa uu ka koobna kuraas, miis xafiiseed, shumac, laabtoob tayadiisu ay sareyso ahna nooca HPga, makiinada dhaabacaada(printer) iyo borajekter.

Waxaani rajeenayna qalab xafeeseedkaani iyo qalabka kale ee waxbarashada in ay wax wayn ka beddeli doonaan waxbarashada carruurta islamarkaasna kor uu u qaadi doono tayada waxbarashada ee iskuulka, maadaama ardada hada wixi ka dambeeyo fursad ay u heli doonaan fiirsashada maqalmuuqaaleedyada casharadooda la xariira, isla markaasna fursad ay u heli doonaan cashiro toos ah(online) ay bixi doonaan macalimiin qurba joog ah waxa sidaasi yiri gudoomiye Axmed Xaaji.

Waxa sido kale intaasi dheer in ururka MADJ uu daboolay baahida kale ee uu dugsiga qabay taaso ahayd in ganjeelka dugsiga deegaanka Jasiira loo beddelo ganjeel macdan ah, maadaama kii hore uu ka bur buray kadib markii ay cuntay uumitikada badda.

Ma ahan markaani markii ugu horeesay ururka MADJ uu ku wareejiyo maamulka dugsigaasi qalab xafiiseed iyo agab waxbarasho, ururkaani wuxu tiro dhawr jeer gaarsiiyay agab waxbarasho sida uu sheegay Wakiilka MADJ ee dalka Soomaliya ING Xasan Jasiira, waxaana ugu dambeyn deeqdaani aad uga mahad celiyay maamulaha dugsiga mudane Maxamuud Sheekh Xasan, ammaan iyo mahadnaq kadib, wuxuu tilmaamay in deeqdaani ay ka qayb qaadan doonto horrumarka iyo horrumarinta waxbarashada deegaanka Jasiira ee Gobolka Shabeelaha hoose.
 
Share by: