Waa Kuma Madjey

Waa Kuma Madjey

Waa Kuma Madjey

Xarunta Midowga Dhallinyarada Soomaaliyeed ama Förenande Somaliska Ungdomscenter (MADJEY) waxaa la'aas aasay taariiqdu markay ahayd Sebtember 14, 2011 waxaase la diinwaan geliyey Juun 19, 2014. Waa urur aan faa'iido doon ahayn oo ka jira wadanka Sweden ee magaaalda Nörrkoping, waxaan xarun kale ku leenahay magaalada Mogadishu ee caasimada dalka Soomaalia. Ujeedada urukeenu waa inaan aan shaqo u abuurna danyarta sida garoobyada iyo agoonleyda Soomaliyeed si noloshooda ay u maareeyaan iyo in aan kafaalo u raadino agoonta Soomaaliyeed iyo carruurta darbijiifka ah oo dar xumada iyo waxbarasho la'aanta hasato si ay u helaan nolosha asaasiga oo aadanaha u baahan yahay sida cunto, hoy, biyo iyo waxbarasho. Sidoo kale hadafkeenu waa in aan dhisna Iskuulo ka kooban heerarka waxbarashada sida dugsiga hoose, dhexe iyo sare oo ay u dhan yahiin agabka waxbarashada sida manaahij tayo leh si loo helo waxbarasho tayeesan oo ay ka faa'iidaysan karaan caruurta agoonta iyo ilmaha darbi jiifka ah. Sidoo kale waxaan caawinaa dhallinyarada ku nool Soomaaliya inagoo siinayna tababar, waxbarasho iyo maalgelin. 

Ilaa iyo hada waxaan kafaalaqaadnay sideetan iyo sedex  carruur oo agoon ah oo aan siinaa (hoy,  nafaqo, dhar iyo waxbarasho) Waxaa intaasi inoo dheer in aan maalgelinay afartan iyo shan qof oo isugu jiro danyar, garoobyo, agoonleey iyo dhallinyaro si ay u abuurtaan goobo ganacsi oo ay ku gaari karaan iskufilnaansho. Waxaan kaloo u qabanaa siminaaro kala duwan dhallinyarada aan fursada u helin inay iskool aadaan, anagoo ku dhiiragelinayno inay dadaalaan si ay u gaaraan mustaqbal wanaagsan.
Waxaan u baahan nahay caawinaadaada si aan u labo laabno waxqabkeenka, isla markaasna aan u gaarno hadafkeena. Waxaan aminsannahay in carruurta ay yihiin mustaqbakii berito ee Soomaaliya. Fadlan nagala qayb qaado sidii aan u badbaadi lahayn ubadka Soomaaliyeed si iyagane berri ay u badbaadiyaan dadka iyo dalka. 

Ardayda

83

Ganacsatada

45

Volunteers

16

Sanadka

3

Madaxda Ururka Madjey

Share by: